Malaysia oo  dalkeeeda ka masaafurinayso Danjirihii Waqooyiga Kuurya

 

Dowladda Mlaaysia ayaa ku dhawaaqday in Safiirkii Waqooyiga Kuurya uu noqday qof aan laga jeclayn dalka Malaysia, isla markaana la cayriyey.

Danjire Kan Chol ayaa loo qabtay muddo 48-saacadood inuu kaga baxo dalka Malaysia,

Tallaabadan ayaa timid, isbuucyo kadib, markii nin la dhashay Hoggaamiyaha W/Kuurya bishii hore 13-dii lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Kuala Lampur.

Go’aanka masaafurinta ayaa la qaatay, kadib, markii uu Danjiruhu diiday inuu hor-tago Wasaaradda Arrimaha Dibedda Malaysia oo isaga u yeertay.

Dhinaca kale,  Eedeysane u dhashay W/Kuurya oo la sii daayey ayaa sheegay inuu yahay Dhibane lagu xad-gudbay.

Ri Jong Choi ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing, wuxuuna Dowladda Malaysia ku eedeeyey inay doonayso inay Sharaf-dhac u yeesho dalkiisa.

Kiiska lagu dilay Kim Jong Nam oo la dhashay Hoggaamiyaha W/Kuurya, Kim Jong Un ayaa xiisad Diplomaasiyadeed ka dhaliyey Dowladda Malaysia iyo W/Kuurya, waxaana falkaasi u xiran dhowr qof oo shisheeye ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo dilka Kim Jong Nam oo la dilay bishii February 13-dii ee sannadkan.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media