Shir Jaraa’id uu Magalada Baydhabo ku qabtay Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Col,Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxa uu soo saaray digniin ku socota Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed.
Waxa uu ka dalbaday Ciidamada Koonfur Galbeed inay ka fogaadaan taageerida musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,xilli dhawaan la filayo inay Magalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Dhamaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed sigaar ah ciidamada Booliska ayuu sheegay in askarigii lagu arko,isaga oo taageero u muujinaya mushar gaar ah tallaabo laga qaadi doono ama Shaqadiisa uu ku weyn doono.
Amarkaan ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Magalada Baydhabo diyaar garoow loogu jiro doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.