Dhageyso:-Amar lagu soo rogay Bajaajta iyo Gaadiidka ka howllgala deegaanada Puntland

Kadib kulan looga hadlayay amniga Magalada Garoowe oo ay ka qeyb galeen Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxaa laga soo saaray Amaro dhowr ah.

Kulanka ayaa ahaa mid intiisa badan looga hadlayay dhinaca Amniga maadaama deegaanada Puntland ay kusoo fool leeyihiin doorashooyin.

Kulanka kadib ayaa waxaa  laga soo saaray Amaro ka soo baxay Guddiga amniga Gobolka Nugaal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in 11:00 Habeenimo wixii ka dambeeya aysan socon karin Mooto bajaajta dhamaan deegaanada Puntland,hadii lagu arkaana lala wareegi doono.

Sidoo kale Gawaarida yaryar ee Tagaasida ah ayuu sheegay inaysan socon Karin,iyaga oo aan wadan ama ku dheganeyn calaamada lagu yaqaano,waxana sidoo kale Madaxda Puntland uu ugu baaqay inay Gawaarida ay wataan u yeelaan Taargada Baabuurta.

Amarkaan ayaa salka ku haya sugida amniga xilli dhawaan deegaanada Puntland la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.