Wafdi ka socda Masar oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wafdi uu hoggaaminayo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Maxamed Idiris ayaa booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo ka qeyb galay Shirweynihii Caalamiga ee looga hadlayey Mustaqbalka Somalia iyo Hiigsiga 2016-ka.

AMBASSADOR MOHAMED IDRISKaaliyaha waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka wada hadleen Xiriirka Labada dal, Taageeradda Dowladda Masar ee Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda, Doorka Masar ee Mustaqbalka Somalia, Ammaanka Geeska Afrika iyo Qorshaha ay Dowladda Masar ku doonayso Xubinnimadda Golaha Ammaanka ee QM, si ay Wakiil uga noqoto dhamaan Shucuubta ku nool Qaaradda Afrika.

Wafdiga uu hoggaaminayey Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Maxamed Idiris waxaa ka mid ahaa Danjiraha Masar u jooga Somalia, Ambassador Walid Ismail.

© Radio Dalsan                    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor