Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Kooxda Macwiisleyda iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, sida la weriyay kadib markii rag ka tirsan Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Celkabaar ee galbeedka Baladweyne.
Dadka deegaanka Celkabaar ayaa soo sheegaya inay maqlayeen rasaasta labada dhinac ay isdhaafsanayeen, uuna dagaalka socday muddo kooban, sidoo kalena uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Guudada 5aad Qeybta 27aad ay xalay saqdii dhexe ku baxeen deegaanka Celkabaar ee uu ka dhacay dagaalka u dhexeeyay Macwiisleyda iyo Al-shabaab.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka Al-shabaab looga dilay Sarkaal ka tirsanaa iyaga, welina ma jiro weli wax war ah oo dhanka Al-shaabab oo ay uga hadlayaan dagaalkaas.
Al-shabaab iyo Kooxda Macwiisleyda ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaaladaas inta badan ka dhashay Khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.