Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhamaystiray dayactirka dhabbaha diyaaradaha garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar.
AMISOM ayaa dib u dayactir ku samaysay 3km oo dherer ah iyo 30 mitir oo ballac ah kana tirsan gigida diyaaradaha ee magaalada Jowhar. kaas oo iminka ah mid la jaanqaadi kara garooamada waaweyn.
Dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere ayaa suurtagelinaya in diyaaradaha waaweyn ay soo caga dhigan karaan, kaas oo qayb ka noqon doona kororka dhaqaale ee gobolka iyo isu socodka guud ee dalka Soomaaliya iyo caalamka.
Madaarka magaalada Jowhar ayaa waxaa horay u adeegsan jiray oo qura diyaaradaha nooca Antonov C-130 oo qaadi kara xamuul gaaraya 20 ton , balse dayactirka haatan lagu sameeyay ayaa suurto gal ka dhigaya inay ku degaan diyaaradaha waaweyn, sida ay sheegeen qaar ka mid ah khubadaha garoomada.