Dad xoola dhaqato ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba ay soo gaareen dad xoolo dhaqato ah oo manta marayey inta u dhaxeysa  degmadaasi iyo tuulada  wanay oo 7km galbeed ka xigta xuddur.

Falalkaasi dhimashada iyo dhaawacaba leh ,waxaa sababay qarax ka dhashay miino nooca anti tangiga ah  oo lagu aasay waddo ay maraan dadka iyo xoolaha.

Hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, labo kalena waxaa dhaawacooda loola cararay cisbitaalka degmada Xudur,halka labo neef oo geel ah ay ku dhinteen.

Laamaha amniga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi iyo kasaaraha ka dhashay.