Booliska oo ka hadlay Shirka looga hadlayo amniga Doorashooyinka ee furmay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Muqdisho ka furay shirka Guddiga amniga doorashooyinka 2020/2021  oo saddex maalmood socon doona.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in shirkaan looga hadlayo u diyaar garoowa sugida amniga Doorashooyinka dalka ka dhacaya, isla markaana Maanta la isku dhaafsaday warbixin kala duwan oo ku aadan sugida amniga.

Taliye Xijaar ayuu Afhayeenka sheega in socdaaladii uu ku tegay Magaalooyinka maamul Goboleedyada uu ahaa mid loogu kuur galayay u diyaar garoowga iyo qabashada maamulada ay ugu jiraan Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Sadiiq Adan Cali (Duudishe) ayaa rajeeyay in shirka Maanta furmay ay ka soo bixi doonto natiijo wanaagsan, isla markaana siwey shirka loogu falanqeyn doono howlaha sugida amniga Doorashada dalka ee dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Shirkaan ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Xoogga dalka, taliyaasha Ciidamada Booliska dowlad goboleedka dalka, wasaaradda amniga gudaha, mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Taliyaasha ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan, waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).