Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankii 7-aad kal-fadhigiisa koowad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Habraaca Xildhibaanimo, waxaana kulankaas shil guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo ku-xigeenadiisa.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay Habraaca Xildhibaanimo, isla markaana waxaa kulanka ka qeyb galay inta badan Xildhibaanada Maamulkaas.
Baarlamaanka Hirshabeelle oo dhawaan la dhisay ayaa waxaa horyaalla shaqooyin dhowr ah oo looga baahan yahay inay qabtaan, kuwaasi oo ku jiraan Hindise sharciyeeduo kala duwan.