Makamadda Degmadda Kwale ee dalka Kenya ayaa u xalaalaysay Boliska inay muddo 14 maalmood sii hayaan Ninkaasi oo lagu magacaabo Mwandego Mohamed.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Ninkaasi Talaadadii la soo dhaafay lagu qabtay Tuulladda Zibani ee Deegaanka Ng’ombeni ee dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan Boliska ayaa sheegay in Mwandego Mohamed la rumeysan yahay inuu ku lug leeyahay Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso, waa sida uu hadalka u yiri Sarkaalkaasi.
Wuxuuna intaasi ku daray in Eedeysanaha lagu qabtay Ba gacmeed nooca lagu farsameeyey dalka Raashiya iyo qalabka wax lagu qarxiyo iyo Fiilooyin.
Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuusan Boliska la dagaalamin, wuxuuna codsaday in laga daaweeyo xanuun uu ka qabo Lugaha iyo Feeraha.
Garsooraha Maxkamadda waxa uu amray in Feejignaan laga qabo inta la daaweynayo, iyadoo Eedeysanaha mar kale dacwadiisa la dhegeysan doono bishan September 22-da.
©Radio Dalsan