Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ee golaha wasiirada, kaasi oo looga hadlay arimo ay ka mid yihiin Is xog wareysi la xiriira howlaha wasaaradaha iyo ka hortaga Musiibooyinka ka dhasha fatahaadaha.
Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkiiba mar qabsooma ayaa maanta warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyadoo sidoo kale Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka uu golaha usoo bandhigay daraasaad ay wasaaradu ka sameysay ka hortaga qataraha fatahaadaha.
Maadama lagu jiro xili jiilaal ah lagama maarmaan ay tahay in laga hortago fatahaado dhaca sida kuwii dhacay sanadkii hore wasaarada beeraha ayaa golaha la wadaagtay muhiimada ay leedahay in laga howlgalo oo caro bixin lagu sameeyo wabiga dhexdiisa taasoo muhiim ah xalna u ah ka hortaga fatahaado dhaca.
Sidoo kale kulanka waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka
Isagoo ka warbixiyay heerka uu marayo cudurada shuban biyoodka ah ee ka dilaacay qeybo badan oo ka mid ah magaalooyinka DG HirShabelle.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in daawooyin ka hortaga shubanka ah ay gaarsiiyeen cusbitaalada Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xarumo dadka shubanka uu soo rito ay ka hirgaliyeen deegaanada hirshabeelle.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay dad ku dhow 495 riix oo uu soo ritay cudurkaan loo fidiyay adeeg caafimaad sidii todobaadkii hore ay xaaladu ahaydna ay hada ka wanaagsan tahay.