Alshabaab oo war kasoo saartay Dhaqtar xalay lagu dilay Muqdisho

Alshabaab ka hadashay dil xalay ka dhacay xaafadda Dabakaayo Madoow degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir kaas oo loo geystay Dhaqtar dhalinyaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada ee Dhaqtarka ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Dr. C/llaahi Yusuuf  Suudaani waxaana xarun dadka lagu daaweeyo oo Farmshiye ah uu ku lahaa degmada Dharkeenleey,waxaana masuuliyadda dilkaas sheegatay Alshabaab oo qirtay in ay ka dambeeyen.

Dr. C/llaahi Yusuuf  Suudaani ayaa Alshabaab waxa ay sheegeen in koox iyaga ka tirsan ay toogteen xalay fiidkii isl markaana waxa ay tilmaameen in uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda gaar ahaana qeybta Dharcadka.

Dhinaca kalana dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dil iyana sioyaabooyin kala duwan uga dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho iyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kuwaas oo dhammaantood dhacay saacadihii lasoo dhaafay.