Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigo ay ku sugan yihiin Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Jubbaland, kuwa Kenya ee ku howlgala magaca AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa uu ka dhacay Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii xubno oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen laba oo Saldhig Ciidanka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Afmadoow, waxaana  halkaas ka dhacay dagaal socday mudo saacad.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac, isla markaana aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, maadaama ay aheyd xili habeen ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Degmada Afmadow oo ay uga hadlayaan weerarkaas, waxaana Al-shabaab ay bishaan Ramadaan gudaheed weeraro kala duwan ku qaadeen Saldhigyo Ciidan oo kala duwan.