Sawirro:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku laabtay Jowhar Baaq Nabadeedna diray

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeemka Hirshabeelle,xubno ka tirsan labada Gole,iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalmahan ku sugnaa Magaalada Baydhabo,halkaasi uu ka qeyb galay Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Madaxweyne Waare oo warbaahinta ku hadlay Magaalada Jowhar ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka socda deegaano ka tirsan Hirshabeelle,isagoona baaq nabadeed u diray baalaha dagaalamaya .

Sidoo kale waxa uu ku baaqay Madaxweynaha in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha dhiiga ku daadanaya ee ka soconaya Xadka Gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Jowhar dib ugu laabtay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo dalka uga maqnaa safar dhinaca dibada ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media