Taliska Ciidanka Xooga oo ka hadlay weeraro lagu qaaday Saldhigyo Ciidan

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla ay weeraro xoogan ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanada Ceel-saliini iyo Bariire ee Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas ka dhacay sida la sheegay dagaal kooban oo muddo socday.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen Cabdixamiil Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa waxaa uu u sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab.

Isaga oo sii hadlayay Taliye Cabdixamiid ayaa waxaa uu tilmaamay in xubno ka tirsan ragii weerarka soo qaaday la dilay, isla markaana uu jiro dhaawacyo soo gaaray kuwo kale, waa sida uu hadalka ku dhigay.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal kooban uu dhexmaray labada dhinac, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, In kastoo aan rasmi ah loo cadeyn karin inta uu la egyahay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolada dalka , waxaana inta badan weerarada ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media