Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidamo kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay weerarka ku qaadeen Saldhiga WFP ee Garbahaareey, halkaas ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana weerarka kadib la maqlayey rasaas xoogan oo labada dhinac isdhaafsanayeen.

Rasaasta la isdhaafsaday oo daqiiqado kooban socotay ayaa markii dambe istaagtay, isla markaana waxaa xaaladda aaga uu ku yaallo Saldhiga ay kusoo laabatay mid caadi ah, waxaana goobta isaga tagay Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Ciidamada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Garbahaareey, iyadoona dadka deegaanka ay sheegeen inay dareemeen cabsi, markii uu weerarka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Garbahaareey ayaan weli ka hadlin weerarka, Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro noocaan oo kale ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor