Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.â€
Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.