Aamina Cumar Jaamac ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay 202 ee golaha shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ka dib markii ay ka tanaasushay doorashada, Aamina Cismaan Diiriye oo lataramaysay.
Wali waxaa wali socota doorashada, iyadoo kuraasta harsan lagu dooran doono xarunta Genaraal Kaahiye
Dhammaan Ergada iyo musharixiinta ayaa ku sugan xarunta,waxaana billaabatay codaynta musharaxiinta,kuwaasi oo dooranaya musharixiinta ku tartami doona lixda kursi.
Sidoo kale goobta ay ka dhacayso doorashadu ayaa waxa ku sugan xubno ka kala socda Guddiyada doorashooyinka Gobolada Waqooyi iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal.
Doorashadaan ayaa waxaa ay horudhac u tahay doorashooyinka Gobolaha shacabka oo si toos ah dhammaan magaalooyinka dowlad Goboleedyada uga billaaban doonto, taasi oo ay socoto qaban qaabada iyo u diyaar garowga.