Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka daah-furay mashruuca la-dagaalanka Ayaxa Galmudug oo dhibaato badan ku yaalla beeraleyda.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa furitaanka mashruuca kala qayb galay wasiirka Wasaaradda Beeraha Galmudug, Wasiirka Amniga, Wasiir Dowlaha Arrimaha Guddaha iyo Wasiir dowlaha waxbarashada Galmudug.
Mashruuca lagula dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Wasaarada Beeraha Galmudug iyo Hay’adda FAO oo qaramada midoobay u qaabilsan beeraha, waxaana lagu fulinaya diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca iyo gaadidka Wasaaradda beeraha Galmudug.
Dadka beeraleyda ah ee degan deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ku qabaan Ayaxa, isla markaana uu ka baabi’iyay dhul-daaqsimeedyo, iyagoona dalbaday in arrintaas wax laga qabto.