Sawirro:-Madaxweyne Xaaf oo gaaray Dhuusamareeb & Ujeedka safarkiisa oo la cadeeyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada dhuusamareeb oo ah Xarunta  Maamulka Galmudug

Madaxweyne Xaaf iyo wufuuda la socotay ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir  Cali Xasan, saraakiil sarsare iyo inta badan Shacabka Magaalada Duusamareeb.

Madaxweyne Xaaf oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa safarkiisa dhuusamareeb ku sheegay taabagelinta iyo horumarinta Galmudugta Cusub  iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu sheegay in ay bilaaban doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu dhagax dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiligii uu booqday deegaanada Maamulka Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawirrada soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media