Xukunkii Degdega ee saarnaa Turkiga oo mar kale la kordhiyey.

Ra’isul-wasaare-xigeenka dalkaasi, Nucmaan Kurtulmus ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Waxa uu tilmaamay in muddo 3 bilood lagu kordhiyey Xukunka Degdegga, kaasi oo bilaaban doono maalinta berrito oo Arbaco ah.

Go’aanka xilli-kordhintaasi ayaa timid, kadib, markii ay Golaha Amniga Qaranka ee dalkaasi ku taliyeen in la kordhiyo Xilliga Xukunkaasi.

Waana markii 3-aad ee Xilli lagu kordhiyo Xukunkaasi, oo markii ugu horreysay la soo rogay kadib, Afgembigii Fashilmay ee ka dhacay Turkiga bishii July 15-dii ee sannadkii hore

©Radio Dalsan