Nin Falastiini ah ayaa lagu helay inuu dhul ka iibin lahaa dadka Yuhuudda ee la dejiyey magaalladda Quddus, qeybteeda Qaddiimiga.
Maxkamad ku taalla magaalladda Ramala ayaa la soo taagay Ninkaasi waxaana lagu xukumay Xabsi Daa’im iyo shaqo adag.
Ninkaasi ayaa lagu eedeeyey inuu ku xad-gudbay sharciga Qaanuunka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1960-kii, kaasi oo mamnuucayo inaan dhul ka mid ah dhulka Reer Falastiin laga iibin karin dal shisheeye.
Warbaahinta Yuhuudda waxay Ninka Falastiiniga ee ay Maxkamadda magaalladda Ramala xukuntay lagu magacaabo Islaam Akal, kaasi oo ah Muwaadin Falastiin haysta Dhalashadda Maraykanka, isla markaana deggan Bariga magaalladda Quddus-ta la haysto.
Si kastaba ha haatee, Yuhuuda waxay Deegaanadda Daanta Galbeed iyo Bariga magaalladda Quddus ku qabsadeen dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda dhex maray sannadkii 1967-kii.