XSKC oo ugu baaqay Alshabaab inay ka soo qeyb galaan Tartanka Horyaalka K/Cagta Somalia.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, C/qani  Saciid Carab ayaa ugu baaqay Xarakadda Alshabaab inay ku soo biiraan Tartanka Horyaalka K/cagta ee haatan ka socda Garoonka Banaadir “Ex Conis Stadium” ee magaalladda Muqdisho.

Hadalkaasi ayuu ku sheegay Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, wuxuuna tilmaamay inaysan dhibaato u arkin haddii ay Alshabaab ku soo biiraan Kooxaha K/cagta ee Horyaalka Somalia.

“Annaga kama soo horjeedno Alshabaab, iyagana nagama soo horjeedaan” ayuu yiri Guddoomiyaha XSKC, oo intaasi ku daray inuusan Sport-gu lahayn Xuduud.

Sidoo kale, waxa uu Baaq noocaasi oo kale u diray Kooxaha kale ee hubeysan, si ay ugu soo biiraan Tartanka K/Cagta ee Horyaalka Somalia.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin Baaqa XSKC ee ku aadan inay ka soo qeyb galaan Tartamadda Ciyaaraha ee ay Madaxda XSKC qabanqaabiyaan.

©Radio Dalsan