Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, C/qaniรย Saciid Carab ayaa ugu baaqay Xarakadda Alshabaab inay ku soo biiraan Tartanka Horyaalka K/cagta ee haatan ka socda Garoonka Banaadir รขโฌลEx Conis Stadiumรขโฌย ee magaalladda Muqdisho.
Hadalkaasi ayuu ku sheegay Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, wuxuuna tilmaamay inaysan dhibaato u arkin haddii ay Alshabaab ku soo biiraan Kooxaha K/cagta ee Horyaalka Somalia.
รขโฌลAnnaga kama soo horjeedno Alshabaab, iyagana nagama soo horjeedaanรขโฌย ayuu yiri Guddoomiyaha XSKC, oo intaasi ku daray inuusan Sport-gu lahayn Xuduud.
Sidoo kale, waxa uu Baaq noocaasi oo kale u diray Kooxaha kale ee hubeysan, si ay ugu soo biiraan Tartanka K/Cagta ee Horyaalka Somalia.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin Baaqa XSKC ee ku aadan inay ka soo qeyb galaan Tartamadda Ciyaaraha ee ay Madaxda XSKC qabanqaabiyaan.
รยฉRadio Dalsan รย