Xildhibaano Mooshin ka keenay Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug

Khalkhalka Siyaasadda ee maalmahan ka dhex aloosan Madaxda Sare ee Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa sare u kacay, kadib, markii uu Madaxweyne Xaaf xabsiga dhigay Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug.

Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ayaana laga dareemayaa magaalladda Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, waxaana aad loo hadal-hayaa Ololka Siyaasadeed ee ka dhashay xariga Labadaasi Mas’uul iyo Kala-qeybsanaanta ka dhalatay go’aankii uu Madaxweyne Xaaf uu Isbahsyiga kula noqday Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inay 40-Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Maamulkaasi diyaariyeen Mooshin la doonayo in xilka looga qaado Guddoomiyaha Barlamaanka ee Galmudug, Cali Gacal Casir.

Mooshinkan ayaa yimid, kadib, markii uu Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda ugu sarreeysa Maamulka Galmudug, kuwaasi oo Aragti ahaan ku kala qeybsan Khilaafka u dhexeeya Dowladaha Khaliijka.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu taageeray Isbahaysiga Imaaraadka Carabtaiyo Sacuudiga, halka ay Madaxda kalena taageereen Go’aankii DFS ee ay dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka u dhexeeya Isbahaysiga Sacuudiga iyo dalka Qatar.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Khaliijka waxay saamayn toos ah iyo mid dadban ku yeeshay Jihadda Majaraha Siyaasadda Somalia, wuxuuna Khilaafkaasi xiisad ba’an ka dhex abuuray inta badan Madaxda Mamaul-gobaleedyadda, haba ugu horreeyaan Galmudug iyo K/Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media