Xarunta ay Shisheeyaha ka deggan yihiin Muqdisho oo laga fuliyey olole Nadaafadeed.

Boqolaalka Shisheeyaha ee ka hawlgala Hay’adaha QM iyo Hawlgalka AMISOM ayaa waxay qaadeen Olole Nadafadeed oo ay ka fuliyeen wajahadda ay ka deggan yihiin Xeradda Xalane iyo Xeebta Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa qeyb ka qaatay Hawlgalkaasi, iyadoo boqolaal ka mid ah Shqaalaha Hay’addaha QM  waxay walaac ka muujiyeen xaalladda Deegaanka ee Xeebta, waxayna ururinayeen waxyaabaha ay Badda soo tuftay.

Michael Keating ayaa sheegay inu dareemayo in si wadajir loo shaqeeyey, la nadiifiyey Xeebta, inkastoo uu tilmaamay inuusan ku faraxsanayn wasaqda faraha badan ee ay ururiyeen.

Madaxa Xafiis-hoosaadka Deegaanka ee QM u jooga Somalia, Michelle Glasser ayaa sheegay in nadiifinta qeyb ka tahay dadaalka Ururkiisa ugu jiraan Doogeynta Deegaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay qabanayaan dadaal badan si loo dhamaystiro Doogaynta Calaamka ee sannadka 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Ololaha Nadaafadeed ee ay qabteen Shisheeyaha ku nool Xayndaabka Xalane ayaa waxaa laga dareemi karaa inay Shisheeyaha QM yihiin dowlad ka madax bannaan Dowladda Soomaalida, isla markaana ay Shisheeyahaasi oggolayn inay dadka Soomaalida ku soo dhex milmaan Xeradda ay iyaga ka ooteen Xeraddii Xalane.

XALANE3 XALANE1 XALANE 2 XALANE4

©Radio Dalsan