Axmed Madoobe oo Guddoon Cusub u Magacaabay Gobolka Gedo

Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Gobolkla Gedo waxaa uu u magaacabay Maamul Cusub, waxaana xilal kala duwan uu u magacaabay 5 Masuul oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolkaasi.

Axmed Madoobe ayaa Cabdullahi Cabdi Jaamac Gudoomiyaha Gobolka Gedo, waxaana sidoo kale uu ku xigeen uga dhigay Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) , kaasi oo noqonaya Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.

Madaxweyne Axmed madoobe ayaa sidoo kale Xilal u magacaabay: Nasteex Cabdi Saalax Guddoomiye Kuxigeenka Maaliyadda, Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Markuu arkay Dastuurka Jubaland, Cutubkiisa nad, Qodobka 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland ayuu magacaabay guddoonkaan Cusub.

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor