Xarumo Warbaahineed oo cabsi darteed loo xiray iyo Xog laga helay

Ugu yaraan 4 Telefishin iyo 11 Xarumo Idaacadeed oo ku yaalla Koonfurta dalka Afganistan ayaa albaabadda loo laaabay, Xilli ay Dagaalamayaasha Kooxda Daalibaan kordhiyeen Gulufka colaadeed.

Tawitter-ka Telefishinka 1TV waxaa lagu qoray in ay Dowladda sheegtay in la xiray dhowr Xarumaha Warbaahineed, iyadoo ay Kooxda Daalibaan qorsheynayan inay gacanta ku dhigaan caasimadda Gobalka Helmand ee Lashkargah.

Dhinaca kale, Hawlgalka QM ee Afganistan ayaa sheegay in 40 qof oo Rayid ah la dilay, 118 kalena lagu dhaawacay Iska-horimaad 24-kii saacadood ee la soo dhaaafay ka dhacay magaalladda Lashkargah.

Kooxda Daalibaan waxay kordhiyeen Duullaankooda, kadib, markii ay Ciiddanka Caalamiga bilaabeen bishii May ee sanadkan inay isaga baxaan Afganistan.

Bixitaankooda ayaa qeyb ka ah Heshiis ay Kooxda Dalibaan iyo Dowladda Maraykanka ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Qatar ee Doha bishii Feberaayo ee sanadkii hore.