Shaqaale Hay’ad Samafal oo lagu afduubtey Koonfurta Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Shaqaale u Shaqeynayey mid ka mid ah Hay’adaha ka howlgalla gobolka Baay Galabta la afduubtay.

Rag hubeysan oo aan weli la garan ayaa Shaqaalaahas oo watey Gaari NOH,ah waxa ay ka afduubteen xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Awdiinleagar ahaan deegaanka Busleey  ee gobolka Baay.

Shaqaalahaan ayaa waxa ay tiradooda gaarayaan ilaa 5 Saddex Haween ah iyo laba rag ah,waxana weli la ogeyn dadka ka dambeeyey afduubka Shaqaalahaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyey afduubkaas,iyaga oo sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dadka ka dambeeyey afduubka Shaqaalaha u Shaqeynayey mid ka mid ah Hay’adaha ka hwolgalla gobolka Baay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor