Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxa ay xasbiga dhigeyn Wariye Wariye Axmed Khaliif Geedi oo ka mid ah Wariyayaasha ka hwolgalla Magalada Gaaalkacyo.
Wariyaha oo hadda ah Wakiilka Tv-ga RTN ee magaaladaas ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Galmudug ay ka soo kaxeysteen goobtii shaqadiisa,isla markaana xabsiga la dhigay.
Wariyayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa Dalsan Waxa ay u sheegeen in Wariyaha sababaha ugu weyn ee loo xiray ay tahay Warbxiin la xiriirta Isbaarooyin la soo dhigay Magaalooyinka gelinsoor iyo Gaalkacyo.
Wariyayaasha gaalkacyo iyo Ehelada Wariyaha ayaa iminka waxa ay wadaan dadaalo lagu doonayo in ay ku siidaayaan Wariye Axmed Khaliif Geedi.