Warbaahinta Bulshadda oo la sheegay inay kaalin ka qaataan dhallinyaradda Kenyaanka ee ku biirayo Alshabaab iyo Daacish

Machadka Daraasaadka Ammaanka ayaa soo saaray Warbixin uu ku sheegayo in ay Alshabaab u adeegsadaan Warbaahinta Bulshadda  (Social Media) si ay u qortaan Dhallinyaradda Kenyaanka.

Warbixinta  oo ay isku soo duwday Cilmi-baare Irene Ndungu, ayaa lagu muujiyey inuu Internetka noqday qalabka ugu weyn ee ay Alshabaab iyo Daacish ku tashkiiliyaan Dhallinyaradda ku nool Kenya iyo guud ahaan Caalamka, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta waxay u cuskatay Kiiska labo gabdhood oo u dhalatay Kenya iyo mid u dhalatay dalka Tanzania , kuwaasi oo bishii Maarso ee la so odhaafay ay Boliska Kenya ku qabteen xuduudka, iyadoo ku sii jeeday Somalia, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Cilmi-baarada  waxay Warbixinteeda ku sheegtay in aaladaha Facebook iyo WhatsApp lagula xiriiro Dhallinyarradda ku biira Alshabaab iyo Daacish.

Anneli Botha oo iyadana  ah Cilmi-baare ayaa sheegtay in Dhallinyaradda da’doodu u dhexeyso 20 jir ilaa 25 jir yihiin kuwa inta badan Internetka kula xiriira Kooxaha Islaamiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixin kale ayaa muujisay in inta badan Dhallinta Kenyaanka ee ku soo biira Alshabaab yihiin isugu jiraan kuwo u dagaalamayo Diinta Islaamka iyo kuwo dhaqaale-doon ah.

Xigasho: Standard

© Radio Dalsan