Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Sudan, Cumar Xasan Axmed Albashiir waxay xalay Kulan Khaas ah ku yeesheen Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.
Labada Madaxweyne waxay kulankooda kaga wada hadleen Xiriirka Labada Dal, Arrimaha Gobalka iyo kuwa Caalamka, waxayna kala saxiixdeen dhowr heshiis oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Madaxweynayaasha waxay kaloo isla garteen in la sameeyo Guddi Heer Wasiir oo ka shaqeyn doona Cilaaqaadka Labada dal iyo Iskaashiga dhinacyadad Ammaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga, W/barashadda, Dhaqanka iyo Tababarka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu uga mahadceliyey dhigiisa dalka Sudan, isagoo sheegay inay Dowladda iyo Ummadda Sudan is-garab taageen Ummadda Soomaaliyeed xilligii burburka, wuxuuna ku booriyey inay sii wadaan Taageeradaasi.
@Radio Dalsan