Uhuru Kenyatta oo Ardayda Kenya ugu baaqay inay iska caabiyaan kooxaha soo weerara Xarumahooda

Madaxweyne Kenyatta waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Tababar Ardayda lagu barayey qaabka ay u wajihi karaan haddii weeraro lagu so oqaado Jaamacadaha iyo Dugsiyadda.

Waxa uu tilmaamay in la xiray dhallinyarro yaryar, kadsib, markii lagu helay xag-jirnimo iyo kuwo kale oo doonayey inay ku biiraan Kooxaha Xag-jirayaasha joogta meelaha kale.

Uhuru Kenyatta waxa uu xusay in cabsida dhinaca ammaanka ee soo food saaray Kenya inay ka dhalatay dhallinyarradda ku sugan gudaha Kenya ee loo carbinayo xag-jirnimadda.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay sii kordhayaan cabsida laga qabo in weeraro lala beegsado Dugsiyadda iyo Jaamacadaha, kuwaasi oo qaarkooda loo xiray cabsi laga qabo inay Dagaalyahannadda Alshabaab soo weeraraan.

Alshabaab waxay bishii April 2-dii ee sannadkan weerareen Jamaacadda Garissa. Pp ;agu dilay 149 qof oo badankooda ahaa arday.