Dowladda Sweden oo ka caawineysa Somalia ku biirista Urur Caalami ah

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Mr.Robert Peszkowski oo ka socday safaaradda Sweden ee Soomaaliya.

Wasiiru-dawlaha oo kulankiisa ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha, ayaa kulanka loogga hadlay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Aduunka(WTO) taas oo dawladda Sweden ay Soomaaliya ka caawinayso ku biiritaanka ururkaasi.

Dhinacyadu, waxa ay isla soo hadal-qaadeen sida ugu habboon ee ay iskaga kaashan karaan buuxinta shuruudaha loogga baahan yahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaasi, waxaana ay muujiyeen inay ka go’an tahay ka midho dhalinta arrintan.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media