Ugu Yaraan 20 ruux oo ku dhimatay Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho

Ugu Yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale oo intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmen Qaraxyo xoogan iyo rasaas xalay lagu weeraray Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Qaraxii hore Ee Xalay ka dhacay agagaarka Xarunta Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta inuu midkii ugu xooganaa Ee Sannadahan ka dhaca Muqdisho.

Wariye ka tirsan Radio Dalsan oo saakay tagay Goobta Weerarka lagu qaaday ayaa arkay Meydadka laba ruux oo aan la faahfaahin cida ay yihiin.

Ytssss SIX