Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM oo lagu soo oogay inuu ka been sheegay halkii ay Alshabaab kaga sugnaayeen magaalladda Muqdisho

Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Maykal Ondoga iyo Sarkaalkii Warfaafinta ee Ciiddanka Uganda ee joogtay Somalia, Kornel Saam Kiriya, kuwaasi oo la sheegay inay dayaceen Waajibaadkoodii Hawlgalka Nbaad-ilaalinta Somalia.

Labadaa Sarkaal waxaa kaloo lagu eedeynayaa inay Taliyihii Ciiddanka Khaaska ee Uganda Uganda’s Special Forces (SFC)  siiyeen Warbixin been oo ku aadan halkii ay Xarakadda Alshabaab kaga sugnaayeen magaalladda Muqdisho sannadkii 2007-dii.

Waxaa kaloo lagu soo oogay inay ku fashilmeen sannadkii 2013-kii inay joojiyaan Koronto sharci-darro  oo Xeradda Tababarka AMISOM ee Jazeera siinayeen dada ku nool Deegaankaasi.

Maxkamadda Milliteriga dalka Uganda ayaa ku dhawaaqday inay  bisha soo socota ee May 4-da dhegeysan doonaan Dacwadaha loo haysto Saraakiishaasi.

Dhinaca kale, Garyaqaanka Saraakiisha la soo eedeeyey ayaa sheegay inay ben bauur thaay Eedeymahaasi, isagoo sheegay inay Markhaatiyayaasha yihiin kuwo bixinaya caddaymo aan sal iyo baar lahayn.