Maalgashiga iyo Ganacsiga u dhexeeya Turkiga iyo Somalia oo gaaray heerkii ugu sarreeyey.

Ra’isul-wasare-ku-xigeenka Turkiga, Ladfi Alwaan ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shirkii Maalgashiga iyo Ganacsiga ee Somalia iyo Turkiga oo shalay lagu qabtay magaalladda Istanbul ee dalkaasi.

Waxa uu tilmaamay in Maalgashiga Turkiga ee Somalia ee sannadkii hore uu gaaray 100-million oo Dollar, lana filayo inuu sii kobo sannadaha soo socda.

Ladfi Alwaan waxa uu ku booriyey Maalgashadayaasha Turkiga inay maalgashadaan Somalia oo ah Waddan hodan ku ah Kheyraadka Dabiiciga, isla markaana leh Badda ugu dheer Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Wasiirka Dhaqaalaha ee Turkiga, Mustafa Alyadaash ayaa isagana sheegay in Is-dhaafsiga Ganacsiga ee Somalia iyo Turkiga uu sannadkii hore gaaray 72 million oo Dollar, isla marakaana waxa uu rajo ka bixiyey inuu Ganacsigaasi sannadkan gaari doono 80 million oo Dollars.

Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharmaarke oo isagana ka hadlay Shirweynahaasi ayaa soo dhaweeyey Xiriirka Labada Waddan, wuxuuna Ganacsatada Turkiga ku booriyey inay maalgashadaan dhinacyadda Kheyraadka Badda, Gaadiidka, Tamarta iyo Beeraha.

Gebagebadda Shirkaasi, waxay Ganacsatadda Soomaalida iyo kuwaTurkiga kala saxiixdeen dhowr Heshiis oo dhinaca Maalgashiga Kheyraadka Dabiiciga, Beeraha, Caafimaadka, Culuunta iyo Kalluumeysiga.

Shirweynahaasi oo hal maalin socday waxaa soo qabanqaabiyey Golaha Xiriirka Dhaqaalaha Dibedda ee dalka Turkiga oo ah Hay’ad isku xirta Ganacsatada Turkiga iyo kuwa dalalka Caalamka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor