Tahriibayaal Somali ah oo la badbaadiyey, kuwo la la’ yahay iyo mid geeriyootay.

Tahriibayaal Soomaali oo Badda lagu tuuray ayey Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in Haweeney Soomaali ah laga helay Xeebta magaalladda Puglia ee Koonfurta dalka Talyaaniga, taasi oo geeriyootay wax yar kadib, markii gurmad ahaan loo geeyey Isbitaalka.

Haweeneydaasi waxay ka mid ahayd ugu yaraan 40 Tahriibayaal Somali oo ay ku jireen carruur oo ay Kooxaha Mukhalasiiin ah ay ka ka soo tuureen dooni ka soo shiraacatay Libya, xilli ay doonidu maraysay Badda Talyaaniga.

Telefishinka Dowladda Talyaaniga ee RAI ayaa sheegay in 35 Tahriibayaal Soomaali ah laga soo badbaadiyey saddex meel  oo ka tirsan Xeebta magaalladda Puglia.

Telefishinka waxa kale oo uu sheegay in la la la’ yahay 3 ilaa 4 haween ka mid ahaa dadkii lagu soo tuuray Badda.

Wargeyska The Republica ayaa qoray inay Baarayaasha dhegeysanayaan Dadkii ka badbaaday Shilkaasi, si ay u helaan Xog horseedi karta in la aqoonsaado Mukhalasiintaasi Arxan-laawayaasha ah.

Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Calaamiga ee IOM ayaa sheegtay in tiradda ugu dambeysay ee Tahriibayaasha ku geeriyootay Badda  Mediterranean ilaa sannadkii hore ay gaarayaan 3,771 qof.

©Radio Dalsan