Warbixin Cusub oo uu siidayay Machadka Daraasadka Amniga Ee AFRIKA Ee loo yaqaano Issafrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay noqotay bishii aan ka soo gudubnay Ee August Dalka ugu dhiig daadashada Badan Afrika oo dhan.
Warbixinta oo loo soo bandhigay qaab sawir ah ayaa muujineysa in Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya ay dilen dad dhan 600 oo qof intii lagu jiray labadii Bilood Ee la soo dhaafay.
Machadka ayaa soo bandhigay dhamaan Dalalka Afrika Soomaaliya ayaana ah Dalka dadkii ugu badnaa lagu dilay Bishii August Ee Sanadkan.
Hey’adaha Xuquuqda Adanaha ayaa hore ugu eedeyay Howlgalka AMISOM dilka dad shacab ah oo lagu laayay Magaalada Marka Ee Gobolka Shabeelada Hoose.
AMISOM oo markii hore beenisay Warkasi ayaa qiratay Markii dambe iney Ciidankeeda dilen Dad rayid ah oo ku sugnaa Xaflad Aroos Magaalada Marka.