Taliye Odawaa Yuusuf oo farriin u diray Ciidamada Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay Sanadguurooda 61-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada 12 April 1960-kii.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka ugu hambalyeey munaasabadan ee aas aaska oo sanada jirsaday 61-sanno, isagoo ku boggaadiyay Ciidamada howlgalada ay wadaan.

“Run ahaantii maanta waa maaleyn weyn, Waxaa lasoo maray marxalado kala duwan, maantase Ciidanka XDS wuxuu marayaa marxalad ah geed curdun ah oo u baahan waraab ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

General Odowaa Yuusuf Raage ayaa saraakiisha ,saraakiil xigeenada ,Dableyda, Alif leyda iyo waliba qoysaskooda ayuu hambalyo u diray dabaal dega Aas aaska sanad guurada Ciidanka Xoogga dalka iyo sidoo kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan Allah SWT uga baryayaa in uu naxariistii janno siiyo dhamaan shuhadadii naftooda u hurtay difaaca Qaranka iyo ilaalinta sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed, inta dhaawaca ahna Rabbi ha siiyo Caafimaad degdeg ah, inta Caafimaadka qabtana waxaan u rajeynayaa in ay halkooda kasii wadi doonaan difaaca Qaranka” ayuu sii raacsiiyay Qoraalkiisa.

Ugu dambeyn Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa shaaciyay in la joojiyay Munaasabad loogu dabaaldegi lahaa sanad guurada Ciidanka, isagoona sababta loo joojiyay Munaasabadda ku sheegay inay tahay Arrimo la xiriira Cudurka COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor