Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo ku baaqay in si degdeg ah looga aar-goosto Alshabaab

 

Siyaasiyiintaasi oo uu hoggaaminayo Aadan Barre Ducaale oo ah Mudane Aqlabiyad weyn ku dhex leh Barlamaanka Kenya ayaa haadalkaasi ka sheegay Kulan ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ku yeesheen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Siyaasiyiinta waxay cambaareeyeen weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigii Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, laguna dilay Askar badan oo Kenyaan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50-Askari.

Siyaasiyiinta waxay ugu baaqeen Taliska Ciiddanka Kenya in muddo 48 saacadood gudaheeda laga aar-goosto Alshabaab falkii ay ku dileen, kuna dhaawaceen Ciiddanka Kenyaanka ee ku sugnaa Ceel-cadde.

Siyaasiyiinta waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo lagu taageerayo Hawlgalka Ciiddanka Kenya ka wadaan gudaha dalka Somalia.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Garissa, ahaana Wasiirkii Gaashaandhigga Kenya ee amray inay Ciiddanka Kenya soo galaan gudaha dalka Somalia ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya garab taagan yihiin Madaxweynaha Somalia, isla markaana ay taageeradda sii wadi doonaan ilaa ay Dowladda Federalka dib uga soo celinayso Nabadda Somalia.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee Baaqaasi soo wada saaray waxaa ka mid ah:- Senator C/raxmaan Cali Xasan oo laga soo doorto Wajeer, Yuusuf Xasaan oo laga soo doorto Xaafadda Kamunkunji ee magaalladda Nairobi iyo Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Garissa.

©Radio Dalsan