Tan iyo markii ay Alshabaab Jimhihii la soo dhaafay weerareen Saldhigga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, ayaa waxaa soo baxayo Cambaarayn Caalami oo loo jeedinayo Alshabaab.
Dowladaha Sacuudiga, Masar, Urdun, Yemen iyo Algeria ayaa ka mid ah Dowladaha Caalamka ee cambaareeyey weerarkaasi oo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 50 Askari oo Kenyan ah.
Qoraallo ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda ee dalalka Masar, Sacuudiga, Yemen, Urdun iyo Algeria ayaa sheegay inay Dowladda Federalka iyo Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Dhinaca kale, Dowladahaasi waxay taageero kale u muujiyeen Dowladda Kenya, waxayna uga tacsideeyeen Askartii looga dilay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
©Radio Dalsan                                      Â