Shirweynaha Madasha 6-aad ee Heerka Somalia iyo Beesha Caalamka oo maanta la soo gebagebeyn doono

Waxaa saakayto maalintii Labaad galay Shirkaasi oo shalay ka furmay magaalladda Ganacsiga ee Istanbul ee dalkaTurkiga.

Madax ka tirsan Dowladaha Somalia, Turkiga iyo Wakiilo ka kala socda in ka badan 50-Dowladood ayaa ka qeyb galayo Shirkaasi, si Maalgeelin dheeraad ah lagu bixiyo Xilliga Kala-guurka Siyaasadda ee Somalia.

Dhinaca kale, War-murtiyeed ay Madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Turkiga soo saareen waxaa uu Madaxweyne Erdogan ku baaqay inay Somalia u baahan tahay Taageero Caalami ah ilaa laga soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Erdogan waxa uu tilmaamay in ay Somalia siiyeen 100-million oo Dollaar shantii sanno ee la soo dhaafay, isla markaana uu rajeynayo in  Taageeradda Turkiga la gaarsiin doono  370-million oo Dollars.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu isagana hoosta ka xariiqay muhiimadda Maalgashiga iyo Tagaeeradda Caalamiga u leedahay dalka Somalia.

“Markii ugu horreysay muddo 47 sanno, Muwaadiniinta Soomaalida waxay aadi doonaan goobaha Cod-bixinta si ay uga qeyb galaan Doorasho Xaq iyo Caddaalad ah” ayuu yiri Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh.