Sawiro:-Ku simaha taliyaha Booliska oo kormeeray Saldhigyo ay ku sugan yiihn Ciidamo Boolis ah

Waxaa maalintii labaad galay shirkii ka socday magaalada Baydhabo ee u dhaxeeyey Booliska Federaalka, kuwa dowlad goboleedyadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaraddaha dhigooda ah ee Maamulada dalka ka jira, waxaana shirkaasi diiradda lagu saarayaa arrimaha ammaanka dalka.

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo kulankaasi shir guddoominayay ayaa kulanka kadib booqasho ku tagay dhowr xarumood oo Booliska magaalada Baydhabo ay ku sugnaayeen, waxaana kormeerka ku wehliyey Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saraakiil kale.

Sareeyo Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa abaal marino lacageed guddoonsiiyey qaar ka mid ah ciidanka ku sugnaa xarumaha uu booqashada ku tegay, taasi oo ah mid lagu dhiiri gelinayo Ciidanka, si ay u laba jibaaraan shaqada culus ee Qaranka ay u hayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media