Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir gudoomin doona Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels+Sawirro

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka,halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha ciidamada.

Shirkaas oo wadamada Yurub iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ay isugu imaanayaan ayaa dawladda Soomaaliya waxa ay la tagaysaa qorshe ay doonayso in lagu horumariyo ciidamada qalabka sida, si loogu diyaariyo inay ammaanka dalka ku filnaadaan,si loo soo gabangabeeyo hawlgalka AMISOM.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shir guddoomindoona shirkaas oo la doonayo in lagu yabooho dhaqaale dawladda u fududeeynayo dhismaha ciidanka, sida uu sheegay Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Cali Siciid Fiqi ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadli doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Danjiraha kana Daawo Sawirada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media