Wasaarada Amniga oo Muqdisho kusoo bandhigtay Sedex ruux oo uu kamid yahay Maxamed Nuur Idaacada Wareegta

Taliska Boliiska iyo Wasarada amniga ayaa khamiistii manta Xarunta Jeneral kaahiye kusoo bandhigay 3-ruux oo la sheegay in warqado digniin ah ay kudaadin jireen magaalada muqdisho

Kulanka ka dhacay  Xarunta Jeneral Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliyaha Boliska Jeneral C/xakiin Daahir Saciid Saacid iyo Saraakiil kale.

Maxamed Nuur Maxamed oo loo yaqaano Idaacada Wareegta oo ahaa Qof can ka ah Muqdisho kaasi oo matala codadka Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaadka Caanka ah ayaa kamid ah 3-qof ee lagu soo eedeeyay in Ay warqadaha digniinta ku daadin jireen Wadooyinka Muqdisho oo ay xiriir la lahaayeen Alshabaab.

2-da Ruux kale ayaa la sheegay in ay ka shaqeynayeen xarunta Warqadaha lagu daabaco oo ku taala Muqdisho kuna howlanaayeen in Warqadaha digniinta ku daadiyaan Muqdisho taasina lagu argagax galin Jiray Bulshada ku dhaqan Magalaada Muqdisho.

Qalabkii Daawacaada iyo Warqado ay sameeyen ayaa madashaa lagu soo bandhigay.