Nin oday oo istaaga ka dhacay, kuna geeriyooday Garissa

Oday 70 jir ayaa la sheegay inuu maanta ku geeriyooday saf uu ugu jiray Bangi uu lacag ka qaadan lahaa.

Marxuumkaasi oo la oran jirey Hassan Hagi Keynaan ayaa la sheegay inuu labo maalmood u soo laabanayey safka loo galo Bangi ku yaalla Garissa oo uu lacag ka soo qaadan lahaa.

Odaygaasi ayaa la sheegay inuu k soo socdaalay Tuulladda Mataaraba ee Degmadda Sanagailu si uu u soo gaaro Gaarisa.

Waxa uu soo lugeeyey masaafo dhan 274 KM, si uu u soo gaaro Bangiga, kana qaato lacag dhan 8,000 oo Kenya Shillings.

Curudka Marxuumka geeriyooday  oo lagu magacaabo Guhaad Hassan  ayaa sheegay inuu aabihiisa istaagga ka dhacay, markii uu Khasnajiga Bangiga u sheegay inuusan magaciisa ku jirin Liiska dadka loo soo gudbiyey in la siiyo saamiga lacagaha macaashka ee Dowladda bixiso.

Waxaa loola cararay Isbitaalka oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Dhinaca kale, Guhaad Hassan  waxa  kaloo uu sheegay in abihiisa  horey uga soo amaahday nin Gnaacsade ah lacag dhan 2,000 Shilling, isagoo u ballanqaaday inuu lacagta bixin doono isla marka uu Lacagta ka soo qaato Bangiga.

Sidoo kale, Oday kale oo lagu magacaabo Cabaas Xaaji Shuuriye oo madax ka ah Dalladda dadka Naafadad ee ku nool Deegaannadda Hullugho/Ijaara ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey inay dadka ku ciqaabayso Lacagaha Macaashka ee Daryeelka bulshadda, kuna khasbaan inay u soo safraan Bangi ku yaalla  Garissa si ay uga soo qaataan Lacagaha.

Odaygaasi naafadda ah waxa uu Suxxufiyiinta u sheegay inuu  bixiyey lacag dhan 2,000 Shillings, si gaari-gacan loogu soo qaado Deegaanka Msalani ilaa  Bangiga Dhexe ee Kenya ee ku yaalla Degmadda Garissa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor