Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyeen Xaafadda Juungal ee degmadda Yaaqshiid,isla markaana waxaa ay kusoo qab qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaasi oo ku sugnaa Juungal.

Dadkii lagu soo qabtay Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay isugu geeyeen goob barxad,iyagoona weydiinayay Su’aallo dhowr ah oo la xiriira dhanka amniga,isla markaana qaarkood sii daayay dhalinyarada.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayaa Ciidanka dowladda waxaa ay baaritaano ku sameenayeen Guriyo ku yaalla Xaafaddo ka tirsan Degmada Yaaqshiiq ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkii xalay Ciidanka dowladda ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiiq ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media