Sawirro:Wasiirka Amniga iyo taliyaasha Ciidamada oo kormeeray Baraha koontool ee laga soo galo Muqdisho

Wasiirka amniga gudaha oo ay wehlinayeen  Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiisha Amniga, ayaa maanta gabal dhicii kormeer shaqo ku tagay baraha Kontarool iyo fadhiyada Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin Daafaha magaaladda Muqdisho.

Wasiirka iyo taliyayaasha ayaa Ciidanka Ammaanka waxa ay gaarsiiyeen Afur iyo dharka qabowga laga xirto,maadaama ay ku sugan yihiin daafaha Magaaalda,isla markaana qaboow farabadan uu jiro.

Taliyaaysha iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada waxa ay ku boggaadiyeen sida hagar la’aanta ah ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee Qaranka uu u idmaday.

Kormeerkaan ay Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha Ciidamada ku tageen baraja Koontorool ee laga soo galo Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay dilal qorsheysan ka dhaceen.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kormeerka Wasiirka iyo taliyaasha.