Kadib markii Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ay fatahaado ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa la shaaciyay tirrada dadkii ku dhintay fatahaada ay sameeyeen Wabiyada.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in fatahaadihii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka.
Ugu dambeyntii WHO ayaa tilmaamtay in qaddar yar oo Naf badbaadin ay geeyeen goobaha ay ka jirto xaaladda adeg, isa markaana uu socdo dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.
Si kastaba fatahaada ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa waxaa ay saameeyn ku yeelatay qoysas badan, waxaana ugu saameyn badnaa Wabiga Shabeelle oo fatahaado ka sameeyay deegaano ka tirsan Hirshabeelle oo ugu weyn tahay Magaalada Baladweyne .